Nin Booliisah oo ku dhintay shil ka dhacay E45 – iyo mid kalena oo sidaran u dhaawacmay

WAR-DEGDEG AH: Aabenraa – Habeenkii xaley Khamiista, shil culus ayaa ka dhacay waddada weyn ee E45 Sønderjyske Motorvej, jihada koonfurta.

nin Booliis ahaa  ayaa ku dhintay shilka, sida ay xaqiijiyeen Booliska Koonfurta iyo Koonfur-galbeedka Jutland. Shilku wuxuu dhacay kadib markii askari booliis ah uu ka jawaabay wicitaan soo dhacay saacaddu markay ahayd 01:34, kaas oo la xiriiray shil gaari oo ka dhashay baraf iyo waddo simbiriirixasho leh.

Wax yar kadib, shil kale ayaa isla goobta ka dhacay, markaas oo gaari xamuul ah (truck) uu ku dhacay mid ka mid ah gawaarida booliiska. Hal askari booliis ah ayaa halkaas ku geeriyooday, halka mid kalena uu si daran u dhaawacmay isla markaana isbitaalka la dhigay. Ehelada ayaa la wargeliyay.

Waddada weyn ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray jihada koonfurta, inta u dhexeysa ka bixitaanka 71 Aabenraa iyo 72 Aabenraa S., si baaritaanno farsamo loogu sameeyo goobta shilka.

Category