10 qof oo ku dhintay doon ku rogmatay Beledweyne

Beledweyne (RH)-Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhintay dooni ku rogmatay magaalada Beledweyne, ee xarrunta gobalka Hiiraaan, halkaas daadad ka dhashay fataahadda webiga Shabelle iyo roobab xooggan oo ka da'ay magaalada ay dad badan ku qasbeen in ay barakacaan.

Duqa Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale oo ka mid ahaa dadkii la socday doonta rogmatay ayaa saxaafadda u sheegtay in dadka soo badbaaday ay yihiin illaa saddex qof oo ay ku jirto iyada iyo gudoomiyihii hore ee gobolka hore Cabdifatax Xasan Afrax.

Waxa ay sheegtay in ay magaalada u tegeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gargaarka loo fidinayo dadka ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha magaalada.

Waxa ay sheegtay in illaa hadda aan la helin meydadka 10 qof bale weli la raadinayo.

Dadka dhintay waxaa ku jira Deeqo Axmed, oo ahayd gabar ka shaqeeya arrimaha bulshada la taliyana u ahayd madaxweynaha Hirshabeelle.

Gabadhan ayaa ku nooleed dalka Ingiriiska.

Qiyaastii 55,000 oo qof ayaa ku barakacay daadka iyo fataahadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne, sida u sheegay guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category