26 qof oo dheeraad ah ayaa cisbitaalka loodhigey coronavirus tan iyo shalley.

RH.   Guud ahaan 232 qof ayaa ilaa hada cisbitaal loo dhigey caabuqa  coronavirus wadankan Denmark .  

46 kamid ah ayaa xaladoodu ay liidataa balse ma jiro cid u geeryootey xanuunka tan iyo shalley.

dhimashada guud waa 13 qof sidii aanu idiinku sheegnay warkayagii shalay.

Dhanka kale dadka la tijaabiyey lana xaqiijiyey ee uu xanuunku soo gaadhey guud ahaan waa 1.395  waxaaney ku suganyihiin guryahooda oo ay isku baxnaaninayaan, waxaa jiri karta tiro kale oo aan la baadhin oo uu Virusku soo gaadhey.

 

Talooyin.

1- Ilaahey tallo saaro.

2- iska dhaaf gacanqaadka iyo taabashada qofkale jidhkiisa

3. suxulkaaga ku hidhis, kuna qufac.

4. qofka kale u jirso ugu yaraan 1 mitir.

5. Gurigaaga ku sugnow, inta ay suurto gal tahay.

6. Ha booqan cisbitaalka ama dariskaaga waayo  waxaa suurto gal ah in uu joogo qof xanuunka u nugul.

 

 

Category