Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay xildhibaan Amos Kimunya, sida ay weriyeen warbaahinta dalka Kenya.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay xubnaha baarlamanka ee xisbiga Jubilee maanta ku yeesheen Xarunta Isu-imaatinka Kenyatta, Kenyatta International Convention Centre (KICC), oo uu guddoominayey madaxweyneUhuru Kenyatta, oo hoggaamiya xisbiga.
Xildhibaan Adan Keynaan ayaa asna loo loo doortay xoghayaha xulufada Jubilee.
Isbedeladan ayaa yimid ayada oo warbaahinta Kenya ay werineyso inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxweyne Uhuru iyo ku-xigeenkiisa William Ruto.
Horraantii bishan, in ka badan 16 xildhibaan oo xulufo la ah madaxweyne ku-xigeenka William Ruto ayaa laga qaaday xilal ay ka hayeen guddiyada baarlamanka Kenya.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale weli kama hadlin xil ka qaadista lagu sameeyey.
xigasho. VOA