RH: Arintan ayaa timid kadib kolkii dhawaan lagu dhisay masaajid ku yaala magaalada Kobenhagen 5 milyan oo karoon oo ay ku deeqday dawlada Sucuudigu.
wasiirka ajanabiga iyo qalabixinta wadankan Denmark Mattias Tesfaye ayaa saaka TV2 usheegay in ay dhisida masaajidadu xagal daacineyso mabaadiida Denmark.
”Waa in aynaan noqonin kuwo beer jilicsan , waxa jira awoodo xagjir ah oo ku hawlan in ay badallaan mabaadiida wadankan Denmark, kuwaasoo raba in ay ka xuubsiibtaan dimuquraadiyada, waana sababta aanu usoo jeedinay in sharcigan la ansixiyo.” ayuu TV2 ku yidhi Mattias Tesfaye.
Shacigan ayaa qoraya in wixii ka badan 10,000 kr loo aqoonsandoono sharci daro hadii masaajid, hay’ad ama shakhsi uu kahelo dalka dibadiisa.
Sharcigan ayaa la filayaa in uu dhaqan gallidoono 1.July.2020 ka.