Arday deeq waxbarasho ka heshay Serbiya

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ee "WORLD IN SERBIA" ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo kaalinta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade ay ka cayaareyso xiriir u bilowday labada dal.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda Serbia fursadda ay siisay dhalinyaradda mustaqbalka Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa sanadihii ugu dambeeyay u taagnayd xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa u Mahadceliyay Wasaaraddaha arimaha dibadda iyo Waxbarashadda ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha wuxuu u rajeeyay dhalinyaradda fursadda waxbarasho helay inay si wanaagsan uga faaidaystaan.

 

Category