Booliska Soomaaliya oo baaraya sida loo dilay Almaas Elman

Muqdisho(RH)-Booliska Soomaaliya ayaa baaraya sida loo dilay Almaas Elman Axmed oo shalay u geeriyootay xabbad madaxa uga dhacday, iyadoo ku sugan gudaha xarrunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay baari doonto dilka Almas ayna shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan natiijada baaritaanka.

Taliyuhu waxa uu sheegay in gal dacwadeed laga furay hey'adda CID-da lana xiray labo oo ajnebi ah oo la socday markii xabadda ay ku dhaceysay.

Almaas Elman waxay ka soo jeedaa qoys caan ka ah dunida oo lagu yaqaano gargaarka iyo wacyi gelinta. 23 sano kadib Geerida aabaheed ayaa iyadana lagu dilay Muqdisho si xaq darro ah. sidoo kale waxaa la dilay 24 saac kadib markii walaasheed Ilwaad ee Qaramada Midoobay ka sheegtay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad soo kabasho ah islamarkaana uu soo hagaagayo amniga dalka.

Almaas Elman waxay kamid ah qoys ka kooban 3 Gabdhood iyo Hooyadood oo ifka uga tagay Alle ha u naxariistee Elman Axmed oo la dilay bishii March sanadkii 1996dii.

Almaas ayaa horrey u soo noqotay Xoghaya 1-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi haddana waxa qaybta warbaahinta u qaabilsaneed Midowga Yurub.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category