Qoyska Boqortooyada UK ayaa la sheegay inay "dhibsadeen" go'aan ay shaaciyeen Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan oo ah inay ka fariisanayaan xilalka heerka sare ah ee ay u hayaan Boqortooyada.
Lamaanaha ayaan go'aankan ka talo-gelin xubnaha sar sare ee Boqortooyada ka hor inta aanay shaacin, sida ay ogaatay BBC.
Amiir Harry iyo Meghan ayaa war qoraal ah oo ay Arbacadii shaaciyeen ku sheegay inay go'aanka gaareen ka dib "muddo bilo ah oo ay ka baaraandegayeen, si hoose na ay uga xaajoonayeen".
Waxa ay sheegeen inay "doonayaan inay ka fariistaan xilalka "sare" ee ay ka hayaan qoyska Boqortooyada ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay dhaqaale ahaan uga madax bannaanaan lahaayeen".
Laamanahan ayaa qorsheynaya inay waqtigooda u kala qeybiyaan UK iyo Waqooyiga Amerika, iyagoo "ilaalinaya waajibaadka ka saaran Boqorada iyo dalalka Barwaaqa Sooranka".
Go'aanka ay gaareen ayaa dhaliyay su'aalo badan oo ku aaddan qaabka uu noqon doono dowrka ay ku leeyihiin qoyska Boqortooyada UK.
Dickie Arbiter oo mar warbaahinta u qaabilsanaa Boqoradda ayaa sheegay in arimaha aan weli kala caddeyn ay ka mid tahay cidda sugaysa ammaankooda.
"Ma ciidamada Scotland Yard ayaa ilaalinaya sida ay haddaba sameeyaan? Mise ciidamada Canada ayaa sugi doona ammaankooda? Yaa se bixin doona dhaqaalaha lagu sugayo ammaankooda?" ayuu weydiiyay Mr Arbiter oo u warramayay barnaamijka Newsnight ee BBC-da.
Penny Junor oo wax ka qorta arimaha qoyska Boqortooyada ayaa sheegay in hab dhaqanka lamaanaha uu shabaho kii amiirad Diana oo ah Harry hooyadii. Waxa ay intaa ku dartay in go'aanka aanay kala tashan xubnaha kale ee qoyska ay tahay "arin aad u fool xun".
"Markii ay Diana kala tageen seygeedii [Amiir Charles], waxa ay si lama filaan ah u shaacisay inay iska casishay shaqada ay u haysay 50 hay'adood oo samafal ah, iyadoo aan cidna kala tashan." ayay tiri Penny.
Waxaa in muddo ah soo if-baxayay astaamo muujinaya in Amiir Harry iyo xaaskiisa aanay ku faraxsaneyn noolasha Boqortooyada.
Bishii October ee sannadkii hore, Meghan ayaa dacwad ku soo oogtay wargeyska lagu magacaabo Mail On Sunday ka dib markii uu daabacay in si sharciga ka baxsan ay u shaacisay mid ka mid ah warqadaha sida khaaska ah loogu soo diray. Wargeyska ayaa difaacay qaabka uu u baahiyay sheekadaasi.
Amiir Harry ayaa xilligaasi sheegay in xaaskiisa ay "si arxan darro ah u daba dhigteen wargeysyada afka dheer ee Britain".
Filim ay noolasheeda uga hadleysay oo laga baahiyay telefishinka ITV, ayaa Meghan waxa ay ku sheegtay in hooyonimada ay tahay arin adag iyadoo sababtana ku sheegtay, diiradda xooggan ee ay ku hayaan wargeysyada. "Ma jirto cid i weydiisa xaaladeyda," ayay tiri.
Amiir Harry ayaa lambarka lixaad uga jira liiska kala horeynta ee dhaxalka kursiga Boqortooyada, waxaana ka horreeya Amiir Charles, Amiir William iyo saddexda canug ee uu dhalay.
isha warka BBC