Ciidamada dowladda oo si rasmi ah ula wareegay Guriceel

Guriceel (RH)-Ciidamada dowladda ayaa la wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo saakay waaberigii horre ay isaga baxeen ciidamo katirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in magaalada ay soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga kuwaasoo wata gaadidka dagaalka isla markaana magaalada ay ka jirto cabsi.

Ciidamadaan Booliska ah ayaa la wareegay ammaanka guud ee Guriceel, iyaga oo fariisin ka sameystay saldhigga booliska magaalada iyo goobo kale.

Dadka degmada Guriceel ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dareemayeen cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaallamo maadaama shaley magaalada uu ka dhacay dagaal kooban.

Dhinaca kale,Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa mar sii horreysay eedeyn u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna,isaga oo sheegay in hortaagan yihiin dhismaha maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in waxa hadda ka muuqda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo billaabeen goggaanka Ahlu Sunna,isla markaana ay rabaan in carqaladeeyaana dhismahaa maamul Galmudug.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category