Dad ku barakacay fatahaadda gobalka Baay

Baydhabo (RH)-Wararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa sheegaya in dad badan ay ku barakaceen fatahaad ka dhalatay roobabka ka da'aya goballada qaar ee Soomaaliya, kuwaasoo dad badan ku qasbay in ay guryahooda ka cararaan una maciisadaan buuraha iyo dhulalka taagga.

Haddaba, meelaha fataahadda roobka ay dad badan ka barakaceen waxaa ka mid ah degmada Bardaale ee gobalka Baay.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Xasan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmada ay ka barakaceen illaa lix kun oo qoys kuwaasoo tegay meel afar km u jirta degmada.

"240 neef oo ari ah ayaa ku dhintay fataahadda iyadoo 80 bakhaar ayaa biyaha galeen"ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bardaale.

Waxaa laga cabsi qaba in biyaha iyo musqulaha ay isku darsamaan.

Dhinaca kale, magaaladda Beledweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa fatahaadda uga barakacay 70kun oo qof sida u sheegay guddoomiye ku-xigeen arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay warbaahinta gudaha.

magaalada beledweyne

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaley magacaabay guddi ka shaqeeya gurmadka loo fidinayo dadka ku barakacay fataahadaha wabiyada iyo roobabka ka da'aya.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xamza Saciid Xamza oo madax u ah guddiga la magacaabay ayaa sheegay in maanta magaalada Beledweyne ay maanta tegeen labo diyaarad oo sida gurmad kuwaasoo sida waxyaabo u badan hooy iyo agab kale.

Sawirrada laga soo qaaday meelaha fataahadda ay ka dhaceen ayaa lagu arkayay dad badan oo ka qaxaya guryahooda kuwaasoo ku dhex lugeenaya goobaha biyaha ay ku jiraan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category