"Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu. Dhegaystayaal, kusoo dhawaada Barnaamijka Arrimaha Bulshada ee Radio Hormuud.
Qormadeenna maanta waxaynu si gaar ah diiradda ugu saaraynaa marxaladaha nolosha, gaar ahaan marka qofku uu tallaabsado da’da afartanka sano (40). Waa da’ inta badan lagu tilmaamo xilliga bisaylka iyo kala-miiranka, balse sidoo kale wadata caqabadeeda gaarka ah.
Hadaba, khubarada cilmi-nafsiga iyo falsafadda ayaa soo jeediyay 7 xaqiiqo oo qadhaadh balse lagama maarmaan ah inuu la fal-galo qof kasta oo da'dan gaadhay. Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee qormadan:
1. Nolosha oo yeelata Waji Dhab ah: Marka koowaad, waa in la aqbalaa in nolosha 40-ka sano wixii ka dambeeya aanay ahayn ciyaar. Ma aha xilligii riyada beenta ah, ee waa xilligii xaqiiqda. Caqabadaha nolosha way sii kordhaan, balse qofka waxaa laga rabaa inuu yeesho adkaysi ka badan kii dhallinyaranimada.
2. La Qabsiga Isbaddalka (Aqbalaadda): Qodobka labaad waa aqbalaadda. Dhegayste, jidhkaaga iyo duruufahaaga way isbaddalayaan. Halkii aad la dagaallami lahayd duqoobista ama isbaddalka waqtiga, waxaa habboon inaad barato sida loola jaan-qaado oo aad u aqbasho si deganaan ku jirto.
3. Xidhitaanka Bogga Qoomamada: Ha ku noolaan "Shalay maxay sidaan u dhacday?" Da'dan ma xamili karto qoomamo iyo calaacal joogto ah. Qormadu waxay ku talinaysaa in cashar laga barto wixii tagay, balse aan lagu dhex noolaan.
4. Ilaasho Nabaddaada Maskaxda: Haddii berigii hore aad raadin jirtay farxad kumeel-gaadh ah, hadda mudnaanta koowaad sii nabadda maskaxdaada (Peace of Mind). Ka fogow dadka, goobaha, iyo doodaha dhiig-karka iyo walwalka kuu keenaya.
5. Noolow Nolol Ujeeddo leh: Waa in aad u noolaataa si cad oo geesinimo leh. Ma aha waqtigii aad dadka kale iska yeel-yeeli lahayd. Noqo qofka aad dhab ahaan tahay, adigoon cidna raalli-gelin ka raadinayn.
6. Iska Dhaaf wixii aan ku Anfacayn: Qodobka lixaad waa mid xasaasi ah; waa kala-miirashada dadka. Dadka aan noloshaada qiimaha ku kordhinayn, ama xidhiidhada sunta ah (Toxic relationships), waa xilligii aad albaabka ka xidhi lahayd. Waqtigaagu wuu ka qaalisan yahay inaad ku lumiso wax aan midho-dhal lahayn.
7. Diiradda saar Nuxurka, ha ku mashquulin Muuqaalka: Ugu dambayn, noloshaada ku dhis qiyam (Akhlaaq iyo waxqabad) ee ha ku dhisin magac uun ama tartan adduunyo. Waqtigaaga gali waxyaabaha raadraaca reeba, kana tag waxyaabaha dhaldhalaalka beenta ah.
Gunaanad: Dhegayste, qormadan waxay ina xasuusinaysaa in da'da 40-ka wixii ka dambeeya ay tahay xilligii "Go’aan qaadashada dhabta ah" iyo hagaajinta tayada nolosha, halkii laga ordi lahaa tirada sanooyinka.
Wixii aragti ah fariimaha noogu soo dira.Emailka: radiohormuud@gmail.com
Barnaamijka Arrimaha Bulshada ee Radio Hormuud.