Dawladda Soomaaliya oo beenisay safiirka Maraykanka ee Kenya in ay kulmeen Farmaajo

Nairobi (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya, Kyle McCarter uu la kulmay madaxweyne Farmaajo isla markaana ay ka hadleen dacwadda badda ee u dhexeesa Kenya iyo Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in warkaas uu been yahay isla markaana wargeyska ugu afka dheer ee Kenya ee Daily Nation uu qoray war been abuur ah.

"Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor. Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo" ayuu yiri danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter,oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in uu laftiisa yimid Muqdisho lana kulmay Madaxweyne Farmaajo oo uu ka dalbaday in kiiska Badda laga qaado ICJ islamarkaana meel aan Maxkamadda ahayn lagu dhameeyo.

Hadalka Mareykanka ayaa xoojinaya shakiga la xiriira in Dowladda Soomaaliya kiiska Badda wadahadal ka geli doonto maaddaama markii 2aad dib loo dhigay islamarkaana muddadii sanadka ahayd ee ay dalbatay Kenya laga reebay laba bilood 10 bilood oo dib u dhigid ahna la siiyay Kenya.

Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale ka gaabisay in dadka Soomaaliyeed ay ka shaafiso wararka ku xeeran dacwadda Badda iyada oo Warbaahinta Caalamka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee laga helo wararka la xiriira Dacwadda taalla ICJ ee la xiriirta Baddeena ay muranka gelisay Kenya.

Category