Deg-deg . Dab la qabadsiiyey dhisme ku yaala xaafada Skovparken- Kolding.

RH Kolding: Subaxnimadii saaka oo khamiisa , saraakiil ka tirsan bilayska Koonfur-bari Jylland ayaa orad ku tagey  dhismo dabaqyo badan ah oo ku yaal xaafada Skovparken ee Kolding.

Goob weyn oo ka soo hor jeedda mid ka mid ah daarahaas oo dhowr dabaq ah ayaa la go’doomiyay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan goobtaasi, mid ka mid ah jaranjarooyinka dhismahaasi ku yaal ayaa dabka kacay subaxnimadii hore ee saaka oo khamiisa .

Dabkii ugu horeeyay ayaa booliska lagu wargeliyay saacada markii ay aheyd 04:20, ka dib markii qof ka mid ah dadka deegaanka uu ogaaday in la gubay guri dabaq ah oo ku yaala ku soo jeedka laamiga dhanka Cisbitaalka kolding.

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa ku guuleystey in ay damiyaan, laakiin saacad iyo toban daqiiqo ka dib - abaare 05.30 - mar kale ayay noqotay waali in markale isla gurigii dab la qabadsiiyo, waxaana shaki dhalliyey in qaab isku mid ah isla goobtii loo gubey.

Dabka ayaa sababay burbur yar oo soo gaaray albaabada uu dabka ka kacay, si lamid ah qiiqa ayaa madoobiyay agagaarka goobta.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid wax ku noqotay dhacdadan, laakiin sida uu sheegay taliyaha bilayska Martin Frandsen, dadka qaar ayaa laga hubiyay suurtagalnimada inay qiiq ku sumoobeen.

Intaasi  ka dib waxa goobtaasi ku sugnaa ciidamada bilayska Koonfur Bari ee Jylland, kuwaas oo eeriyada xidhay, waxaana qiimaynta hordhaca ah lagu sheegay in labada dabba oogaan loo  gubay. Baadhitaanku wuu sii socdaa, waxaana la wadaa hada baadhitaano farsamo, sida ay booliisku usoo bandhigaan  sabata  dhabta ah ee falkani uu udhacay.

Baadhitaanka hore waxa uu tilmaamayaa in dabku la xidhiidho khilaaf ku kooban isku dhac u dhexeeya laba qof ama hal qof iyo dhawr qof oo kale.

Bilayska Koonfur-bari Jylland ayaa lagu wargeliyay, inay u diraan saldhiggooda bilayska guurguura xaafada Skovparken si ay u awoodaan inay kordhiyaan nabadgelyada dadka deggan xaafada  iyada oo loo marayo wadahadal iyo in si sax ah loola xidhiidho oo su’aala loo waydiiyo  dadkii aagga ka dhawanaa  .

Booliisku aad bay  u soo dhaweynayaan hadii ay jiraan dad kiiskan wax ka og oo xog ku biirin kara

Waxaaney codsanayaan in si toos ah looga soo waco telefoonka booliiska ee nr kiisu yahay 1-1-4.

 

wixii kasoo kordha kiiska kala soco . Radio Hormuud.

Category