RH. Kolding: Sida laga yaabo in aad wararkayagii hore kula socoteen Xaafadaha ku sifoobey getto ama isku raran ee shaqo laawaha iyo dambiilayaashu ku badan yihiin oo ay Dawladii hore ee Denmark ansixisay in la dumiyo qaarkoodna loo dhalanrogo guryo waayeel iyo dhallinyaro.
Hada waxaa intaas kadib bilaabmey in degmooyin dhawr ah oo kuyaala Denmark sida Arhus iyo Odensa ay bilaabeen in loo balan qaado dhaqaale hadii ay dadkaasi si xor ah uga guuraan xaafadahaas.
Waxyaabaha loo balan qaadey waxaa kamid ah in 14 maalmood kiradood laga bixiyo guriga cusub ee ay u guuridoonaan iyo in 15.000 karoone lasiiyo si ay qarashka guuritaanka ugu bixiyaan.
15 qoys oo helay isu geyn nus milyan karoon si ay xaafada uga guuraan.
Sharciga Gettoda ayaa xaafado badan ku khasbey in ay abaal marin u balan qaadaan dambiilayaasha si ay xaafadooda uga raraan ugana baaqsadaan dumin, taasi waxay keentay in 15 qoys midkiiba la siiyo 38,000 karoone
Xaafada hadaba nidaamkan sameysay ayaa lagu magacaabaa Skovgårdsparken kuna taala galbeedka degmada Aarhus ee wadanka Denmark, lacagta ayaa lagu magacaabey taakuleynta guuritaanka waxaanu dhaqaalihii la qeybiyey isku noqdey 570,000 karoon.
”Waxa la moodaa marka la maqlo lacag aad ubadan laakiin maxaa kale ee aanu sameyn laheyn si aanu xaafada u badbaadino, waxaan u arkaa in aanu talaabadii ugu habooneyd qaadney faaiido kabadan lacagtaanu bixineyna dib u helnay ayuu kutiraabey Keld Laursen madaxa Brabrand boligforening”
Xeeladan ayey hada rabaan in ay adeegsadaan degmooyin kale waxaase durba bilaamney dood uu furey xisbiyada DF oo uu ku sheegey in aaney mahabooneyn in dambiile ama mashaqeyste dhaqaale lagu abaal mariyo.
Waxaa diyaariyey
Mohamed-amin Siyad Abdi