Denmark: In kabadan 17,000 oo qof oo diiday in dib loo soo nooleeyo haddii wadnuhu istaago

Waa markii ugu horreysay ee dadka caafimaadka qaba ee ka weyn 60 sano loo oggolaado inay doortaan inaan la samayn gurmadka soo nooleynta (CPR). Khubaro ayaa ku baaqaya in go’aankan lagu gaaro aqoon iyo xog sugan.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii dalka Denmark laga hirgeliyay sharci u oggolaanaya muwaadiniinta caafimaadka qaba ee da’doodu ka sarreyso 60-ka sano inay si rasmi ah u diidi karaan in dib loo soo nooleeyo haddii uu wadnuhu istaago.

Sida ay muujinayaan tirokoobyadii u dambeeyay ee laga helay hay’adda xogta caafimaadka ee Sundhedsdatastyrelsen, qiyaastii 17,389 qof ayaa horay u diwaangeliyay go’aankan.

Maxay dadku u diidayaan soo nooleynta?

Professor Fredrik Folke, oo ah madaxa cilmi-baarista ee adeegga gurmadka degdega ah, ayaa sheegay in inkasta oo tiradan ay u muuqato mid badan, haddana ay ka dhigan tahay kaliya 1% dadka ka weyn 60-ka sano ee Denmark ku nool.

Sababaha ugu waaweyn ee dadku u dooranayaan go’aankan waxaa ka mid ah:

  • Cabsi laga qabo nolosha ka dib soo nooleynta: Dad badan ayaa ka baqaya inay ku dambeeyaan curyaannimo, kursiga dadka naafada ah, ama xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah.

  • Qanacsanaan: Qaar ka mid ah dadka waayeelka ah, sida 71-jirta Marianne Oxenvad, ayaa aaminsan inay soo mareen nolol ku filan, ayna rabaan inay u dhintaan si dabiici ah.

Ma tahay go’aan sax ah?

Professor Fredrik Folke ayaa xusay inay muhiim tahay in dadku ogaadaan xaqiiqada:

"Ciyaastii 15% dadka wadnuhu istaago waa laga badbaadiyaa, badidooduna waxay dib ugu laabtaan nolol firfircoon oo wanaagsan. Waxaan rajaynaynaa in dadku go’aankooda ku saleeyaan xog sugan oo aysan cabsi kaliya ku go’aan qaadan."

Ururka Waayeelka (Ældre Sagen) iyo Ururka Wadnaha ayaa sidoo kale ku taliyay in qofku uu la tashado dhakhtarkiisa iyo qoyskiisa ka hor ilaa uu go’aankan gaaro.

Xaqiiqooyinka ku saabsan Sharcigan cusub:

Si loo hubiyo in dadku fahmeen nuxurka sharciga, halkan ka eeg qodobbada muhiimka ah:

  • Yaa codsan kara? Qof kasta oo miyirkiisu joogo oo ka weyn 60 sano.

  • Goorma ayuu shaqaynayaa? Waxay khuseysaa oo kaliya marka uu wadnuhu istaago (Cardiac Arrest).

  • Yaa u hoggaansamaya? Shaqaalaha caafimaadka (dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka) waa ku qasab inay raacaan haddii ay ogyihiin.

  • Dadka caadiga ah: Haddii qof shacab ah uu kugu arko wadno istaag, isagu wuxuu u samaynayaa gurmadka koowaad si caadi ah, sababtoo ah ma geli karo diwaanka qaranka.

  • Ma laga noqon karaa? Haa, qofku xilli kasta wuu ka laaban karaa go’aankan.

  • Halkee laga iska diwaangeliyaa? Waxaa laga samaynayaa mareegta caafimaadka ee dowladda (sundhed.dk).

Xigasho: DR News / Sundhedsdatastyrelsen

Category