Dhakhtar lix bilood ay heysteen kooxaha magafayaasha Liibya oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Isniin ah soo gaaray Dhakhtar Mahad Garad oo muddo shan bilood ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhakhtartan dhallinyarada ah ayaa waxa gacanta uu u galay koox magafayaal ah oo dadka tahriibka qabsada kadibna marka ay xiraan lacag madax furasho ah ka qaata.

Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay oo uu ka muuqdo dhakhtartan ayaa lagu arkay isagoo la jirdilayo oo la garaacayo, waxaana uu codsanayay in la badbaadiyo.

Markii uu maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Dhakhtar Mahad Garaad waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in dib u helo xorriyadoosa uuna dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo.

Waxa uu u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed oo ka naxay dhibkii uu ku qabsaday Liibya.

Dalka Libya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladii dalkaas ka jirtay dalkana ay ka billowdeen dagaallo sokeeye, waxaa ka abuurmay kooxo dadka ka ganacsada, waxaana dadka ay qafaashaan kooxahaas ay la kulmaan dhibaatin ay ka mid yihiin dil, jirdil iyo dhaawacyo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar horre ka soo badbaadiyay kooxaha magafayaasha Libya ay qabsadeen ee dalkas ku xiran.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category