Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa idaacadda Fana u sheegay dilkii fannaankii qowmiyada Oramada kasoo jeeday ee lagu dilay Addis Ababa habeenkii Isniinta uu ahaa mid si weyn lasoo qorsheeyay.
Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in kuwa dilay Haacaaluu Hundeessaa ay doonayeen ujeedooyin gaar ah sida qalalaaso dalka ka dhasha, iyo in ay wax u dhimaan midnimada dadka Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa dilka geystay ee doonaya inay dhibaateeyaan xasiloonida iyo midnimada umadda Itoobiya ka dhaxaysa.
“Itoobiya waxay weyday shakhsi qaali ah, dilka fannaankan waxaan aaminsanahay inay geysteen kuwo wax u dhimaya midnimada iyo nabadda Itoobiya balse waxay sii xoojin doonaan uun in aanu rabitaankooda meel marin,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sheegay inuu socdo baaritaan buuxo oo lagu soo qabanayo kuwii falkaasi geystay.
Mar uu ka hadlayay rabshadaha iyo dadka ku dhintay dibadbaxyadii ka dhashay dilka fannaanka ayuu yidhi " waa in aynu soo bandhigno cabashadeena anagoo ilaalisanayna nabadgelyada isla markaana ka hortageyna dambiyada kale,” ayuu yiri Abiy.
Rabshadaha ka dhashay dilka fannaanka Oromada ah ayaa waxaa ilaa hada inta la ogyahay u dhintay 6 qof halka 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen.