Diyaarad sidda dhakhaatiir iyo dawo oo Turkiga u soo diray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Diyaarad millitari oo sidda dhakhtiir iyo dawo kana timid dalka Turkiga ayaa saaka aroortii ka soo degtay garoonka caalamiga diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhakhaatiirta iyo mas'uuliyiintii la socday diyaaradda.

Dhakhaatiirta soo gaaray Muqdisho ayaa u yimid in ay daweeyaan dadkii ku dhaawacmay qarixii shaley ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye.

Turkiga oo takhaatiir iyo dawo keenay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhow 80 qof ay ku dhinteen qarixii shaley isla markaana ay ku dhaawacmeen dad labo gaaraya kuwaasoo ahaa dad shacab ah.

Illaa hadda ma jirto koox sheegatay qarixii ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye.

Waa qarixii saddexaad ee ugu weynaa ee ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

 

Category