Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin ku socota Kenya

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ku socda dowladda Kenya, taasoo looga digayo faragelinta ay Kenya ka wado gudaha Soomaaliya taas oo aan u wanaagsaneyn danaha labada dowladood, sida lagu sheegay war-saxafadeedka.

War-Saxaafadeedka oo lagu qoray wakaaladda wararka SONNA, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ammaanka Xaduudaha ay mas’uul ka yihiin Caasimadaha labada dal,isla markaana loo baahan yahay inay ka wada Shaqeeyaan sidii labada Shacab ah si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga digtey in Ciidamada ka jooga Soomalaiya ee ku howlgalla Magaca AMISOM aysan u adeegsan faragelinta Arrimaha Siyaasada Gudaha iyo khalqal gelinta Amniga dalka.

  Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Somalia oo digniin u dirtey Kenya

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category