Duuliye iyo Aasaasaha Hiiraan Online oo geeriyooday

Ottawa (RH)-Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada ku geeriyooday marxuum Axmed Xaaji Cilmi (Guure) oo ahaa asaasihii iyo mulkiilihii Shabakadda Warbaahineed ee Hiiraan Online.

Marxuumku waxa uu hir geliyey mid ah mid ah shabakadii wararka ee dhinac online middii ugu caansanayd Soomaalida, waxa ay Hiiraan online magac ku heshay, qaabkii hufnaa, dhexdhexaadnimada iyo masuuliyaddu ku jirtay ee ay wararka u qoriyeen ilaa imika u qoraan, iyaga oo luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriisba lagu qor.

Alle ha naxariisto Marxuumka oo waxa uu tusaale noqon karaa isaga warbaahintiisuba masuuliyadda iyo ilaalinta dhexdhexaadnimadu in ay tahay mid magac iyo maamuus laga helo.

Hiiraan online, waxa ay ka sii jirtaa boqolaal website oo wararka qori jiray oo xidhmay.

Marxuum Guure wuxuu ahaa Duuliye Sare oo ka tirsan Somali Airlines, waxaana himilooyinkiisa ugu waaweyn kamid aheyd inuu maalin uun ku naalloodo dibu yagleelidda Somali Airlines, wuxuuna dadaal badan galiyey inuu xukuumadihii dalka isaga dambeeyay ku qanciyo howshaas.

Alle ha u naxariisto Axmed Cilmi Guure oo ahaa asaasihii mareegta Hiiraan online

Allah ma qaddarin inuu himiladaas ku raaxeysto, balse wuxuu ifka kaga tagay dhaxal waara oo dhex ceegaaga barta Hiiraan Online ee 25-ka jirsatay. Hiiraan Online waxay noqotay hoyga qalinleyda iyo halabuurka Soomaalida, isagoo waliba ku mintiday iney noqoto mareeg dhexdhexaad ah.

Jannooyinkiisa Alle ha ugu deeqo Marxuum Axmed Guure, eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.

Waa kuma Axmed Guure?

Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne oo uu ku noolaa illaa uu dugsiga sare ka bilaabay, ka dibna Muqdisho ayuu u wareegay oo uu ku dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare.

Sida uu ku sheegay waraysi uu sannadkii 2014 siiyey Shukri Maxamuud Afrax, Axmed wuxuu ku biiray shaqaalihii Somali Airline halkaasi oo uu fursad u helay inuu dalka Jarmalka ka helo waxbarasho la xidhiidha duulista. Dagaalkii sokeeye markii uu dalka ka bilaabmay wuxuu u wareegay dalka Canada oo uu ku noolaa muddo dheer. 

Radio Hormuud

Studio 3

London. UK

Category