Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh

Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.

Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.

Taariikhda sanjabiisha

Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.

Faa'idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh

Wuxuu yareeya xanuunada ku dhaca dheefshiidka

Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.

Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore.

Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda

Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto.

Wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka.

Wuxuu yareeyaa halista dhiig-karka

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka.

Inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar.

Waxaa laga yaabaa in uu hoos u dhigo miisaanka jirka

Daraasado dhowr ah ayaa lagu sameeyay faa'iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka hortagga cayilka.

Dib-u-eegis ayaa sidoo kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka thermogenesis ee ( kulaylka jirka).

Wuxuu daweeya madax xanuunka

Cilmi baarisyo badan ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa'iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran.

Cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka.

Qof kasta ma adeegsan karaa sanjabiisha?

Shaaha sanjabiisha wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi karin koob idil oo shaahan ah.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata dawooyinka.

 

xigasho BBC

Category