Fannaan Xasan Huburow oo ku geeriyooday Jamaame

Kismaayo (RH)—Magaalada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, waxaa ku geeriyooday Xasan Nuuroow Maxamed oo loo yaqaanay (Xasan Huburow).

Huburow ayaa ahaa Abwaan, Fannaan iyo mulaxan Soomaaliyeed, waxaana fanka ku jiray laga soo bilaabo 1974-kii.

Waxa uu kaalin ku lahaa fanka, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ay burtey dowladii dhexe dalkana ay ka billowdeen dagaallada sokeeye 1991-dii.

Dadka yaqaanna, Fannaan Huburoow waxa ay sheegeen inuu kaalin ka qaatay horumarinta af Soomaaliga gaar ahaan afka mayga.

Allaha u naxariistee Abwaanka ayaa muddooyinkii u danbeeyey ahaa bukaan socod.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

 

Category