Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta galinka dambe lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamarreeb oo dhawaan ay ku kulmi doonaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa tan iyo shaley socotay qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka amabixi doona magaalada Muqdisho.
Magaalada waxaa gaaray ilaalada madaxweynaha, xafiiska warbaahinta madaxtooyada iyo saraakiil kale oo ka shaqeysa xafiiska madaxweynaha.
Magaalada Dhuusamarreeb waxaa horrey u joogay ra'iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre iyo madaxda dowladda goballeedyada oo halkaas shir ku yeeshay.
Magaalada waxaa kale oo ku sugan wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin arrimaha gudaha, dastuurka iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda.
Madaxweynaha ayaa ku biri doona shir ay yeelan doonaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goblleedyada kuwaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo khilaaf uu u dhexeeyo madaxda qaar ee dowlad goballeedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia