Gabar Soomaaliyeed oo ka mid noqotay wasiirada dalka Itoobiya

Addis Ababa (RH)-Xildhibannada baarlamaanka Ethiopia ayaa maanta la filayaa in ansixiyaan xubno wasiiro cusub oo uu magacaabay ra'iisal wasaare Abiy Ahmed iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas.

Wasiirada cusub waxaa ku jirta Filsan Cabdi oo 28-jir ahna Soomaali u dhaqdhaaqda nabadda iyo arrimaha dhallinyarada.

Filsan ayaa loo magacaabay wasiirka haweenka, carruurta iyo dhallinyarada, waana markii ugu horreysay oo gabar ka soo jeeda gobalka Soomaalida loo magacaabo xilkan.

Filsan, ka hor inta aysan imaan Ethiopia, waxa ay ku sugneed dalka Ingiriiska, halkaasoo ay ka dhistay xarrun nabadda ka shaqeeya, waxaana ay dhawaaan ka aasaastay dowlad deeganka Soomaalida telefishan madax bannaan oo magaciisa la yiraado (Nabad TV) waa telefishankii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ku hadla af soomaali gobalka laga furo.

Filsan waa wasiirkii labaad ee ka tirsan wasiirada Ethiopia ee Soomaali ah, waxaa horrey wasiirka maaliyadda u ahaa Axmed Shide oo ah Soomaali.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category