Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku socdo. Ra’iisalwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa June 8, 2021 qaabbilay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo aan tan iyo December 2019 cag soo dhigin dalka.
Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah: Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya? Mase laysku aamini karaa dal lid ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka?
Walow, wargeysyada qaarkood ay qoreen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u gargelyooday Maxammed bin Zayed al-Nahyan, haddana isbeddelka siyaasadda dibedda ee dalkaas waxaa loo aaneyn karaa dhowr arrimood: (1) Hoggaanka Mareykanka ee Joe Biden oo la yimid siyaasadda ka duwan tii Donald Trump; (2) Caabuqa Covid-19 oo dhulka la dhacay dhaqaalihii kibirsanaa ee shidaalka; iyo (3) Guuldaro dhaqaale iyo ciidan oo ay kala kulmeen colaaddihii dunida ku cambaareysay ee Libiya iyo Yamen.
Dhinaca kale, Riyaad iyo Abu Dhabi oo u muuqday kuwo aan kala maarmi ayaa isku seegay dhaqan-siyaasadeedkii “muruq isku muquuninta” oo Amiir Maxammed bin Zayed al-Nahyan uu ku wiiqi jiray dalka danaha dalkiisa ka horyimaad.
Waxase cajiib leh in dib uga gurashadii Farmaajo afgambigii dimuqraadiyadda uu laftiisu dhalay rajo aan horray loo filayn. Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo kaashanaya shirkadda LFA Holding oo ah “lobbyist” ayaa awood u helay inuu xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo “State Department”-kaba hordhigo aragti ka duwan tii laga qabay dalka.
Halkaas waxaa ka dhashay labo arrimood: (b) Dadaalka Qadar ee keenay ergeyga Mutlaq bin Majed Al-Qahtani inuu isku maro Hargeysa, Muqdisho, Nairobi iyo Jabuuti; iyo (t) Casuumaaddii Boqor Salmaan uu u fidiyey wafuud heer sare ah ee ka socotay Qadar iyo Turki, si looga wada tashto isku duwidda hawlaha dib u dhiska Soomaaliya. .
Amiir Maxammed bin Zayed oo ka cagajiidayey inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo xiriir qabow ka dhexeeyo ayaa imaan shirkii Jeddah taas oo dhalisay su’aasha maqaalka ee ahayd, “Soomaaliya ma ka dhalan kartaa xasillooni dadaalkeedu aysan qayb ka ahayn Imaaraadka?”
Fashil Siyaasadeed
Waxaa ruux allaale oo damco inuu arrinkan lafaguro uusan ismoogaysin karin heshiiska Imaaraadka ay la gashay Jubbaland dhowr sano ka hor, kaasoo u fasaxayo inay ka dhisto Saldhig Militari, iyadoo la baalmaray Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo la ogyahay in Abu Dhabi xiriir kaas kasii durugsan la leedahay Puntland iyo Somaliland oo loo barreeray diidmada iyo dhaleecaynta Dowladda Federaalka.
Ma suurtowdo in labada dhinacba (Muqdisho iyo Abu Dhabi) ay ismoogaysiiyaan arrinkaas baaxadda iyo cawaaqibta weyn leh oo ka dhigay Imaaraadka dawladda faraggelinta iyo dagaalka ugu ba’an ku hayso dibudhiska dowladnimada Soomaaliya halisna ku ah xasilloonida dalka iyo tan gobolkaba.
Waxaa kaloo iyadana meesha jira gacansaarka lidka ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka oo dowladda Imaaraadka ay la leedahay Kenya.
Ka jawaabidda su’aalaha taagan ma sahlana, waxaase la yaab leh waxa isku soo beegay socdaalka uu Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika Jeffrey Feltman ku tegay Abu Dhabi iyo sida degdegta leh ee Danjire Al-Hammadi dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Si kastaba ha ahaate, Dal-Jire Soomaaliyeed oo daahsan ayaa yiri “Awood kasta ee shisheeye oo isku dayday in ay Soomaaliya ku dhisto-sawirka-riyadeeda, ayaa ka tegi ayadoo madax wareer la rajo beeshay. Soomaalida keliya ayaa go’aansaneysa mustaqbalkeeda sida fiican ama xun. Sheekhyada Gacanka Carbeed [Imaaraadka], waxaa laga yaabaa inay si deg deg ah u bartaan casharkaas” (The American Interest – 23/03/2018).
W/Q: Cabdulqaadir Cariif iyo Burhan Rooble