Gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Iran u qaabilsan siyaasadda dibedda iyo ammaanka qaranka ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee dalkaasi uu uga dhaco caabuqa dilaaga ah ee Corona.
“Baaritaanka la igu sameeyay ee Corona ayaa muujiyay inaan qabo cudurkaasi. Ma miro wax laga walwalo. Hadda goob karantiilan ayaa ku suganahay. Haddii Alle idmo shacabkeena wey ka guulaysan doonaan Corona,” ayuu yiri mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mojtaba Zolnour.
Waxaa Isniintii shaaciyay inuu cudurka qaaday wasiir kuxigeenka caafimaadka ee Iran, Iraj Harirchi iyo weliba xildhibaan kale.
Ugu yaraan 22 qof ayaa caabuqaasi ugu dhintay dalka Iran oo ay saaran tahay cunaqabateyn uu Maraykanka kusoo rogay.
Tirada dadka u dhintay caabuqa Corona gudaha Iran oo korortay
Wasaaradda caafimaadka Iran waxay shaaca ka qaaday in dadka u dhintay cudurka Corona ay gaartay 26 qof.
Waxay sidoo kale wasaaradda sheegtay in 106 qof oo u dhashay Iran uu soo ritay caabuqa Corona 24-tii saac ee lasoo dhaafay, guud ahaan tirada dadka kasoo jeeda dalkaas ee lagu arkay cudurka waxay gaarayaan ilaa 245 qof.
Iiraan waxaa ku faafay cudurka Iran, mar sii horreysay saraakiisha waxay shaki geliyeen tirada rasmiga ah ee dadka uu haleelay cudurka Corona ee ku sugan Iran.
isha warka BBC