Iran oo heshay keydkii shidaal ee abid ugu badnaa

RH: Iran waxa ay heshay keyd cusub oo shidaal oo lagu qiyaasey 53 Bilyan oo foosto oo saliid qeydhin ah.

Sidaas waxaa maanta sheegay madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhani mar ka hadlayey Tv ga qaranka ee Iiraan.

Saliidan ayaa laga helay gobalka shidaalka kuqaniga ah ee Khuzenstan oo dhaca koonfurta dalweynaha Iran.

Cabirka ceelashan cusub ee shidaal ayaa lagu qiyaasay 2400 km oo isku wareeg ah.

Ceelashan cusub ee la helay ayaa keydka shidaal ee Iran ku kordhinaya saddex dalool meel. Sida ay xaqiijisay shariikada shidaalka ee BP Iran waxay maanta haysataa keyd shidaal oo dhan 150 bilyan oo foosto oo saliid qeydhiin ah.

 

Diyaarinta warka 

Mohamed-amin Siyad

Category