Isbaahaysiga "NATO-da Islaamka" oo Soo Shaac Baxay: Maxaan ka Ognahay?

RH:Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga wada hadlayo dhismaha isbaahaysi milatari oo weyn oo ay ku midoobayaan qaar ka mid ah dalalka ugu tunka weyn caalamka Islaamka. Isbaahaysigan oo loo bixiyay "Islamic NATO", ayaa ujeedkiisu yahay in la abuuro quwad milatari oo isku xiran.

Dalalka Hormuudka ka ah iyo Doorkooda

Wada-hadallada hadda socda waxay u dhexeyaan saddex dal oo muhiim ah, iyadoo mid walba uu isbaahaysiga ku soo kordhinayo awood gaar ah:

  • Pakistan: Waxay keenaysaa awoodda hubka Nukliyeerka.

  • Türkiye (Turkiga): Waxay gacan ka geysanaysaa farsamada iyo warshadaynta qalabka milatariga.

  • Sacuudi Carabiya: Waxay bixinaysaa maalgelinta iyo dhaqaalaha looga baahan yahay isbaahaysiga.

Maxaa Dhaliyay Fikirkan?

  • Xididada fikirkan ayaa dib u raacaya bishii Sebtembar ee sannadkii 2025, markaas oo ay dalalka Pakistan iyo Sacuudigu kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca ah.

  • Heshiiskaas ayaa dhigaya in haddii midkood la soo weeraro loo arko weerar lagu soo qaaday labadaba.

  • Weerarkii Israa'iil ay u geysatay bartilmaameedyo ku yaalla dalka Qadar bishii Sebtembar 2025 ayaa keentay in dalal badan oo Carbeed ay raadiyaan badal ka duwan ilaaladii Mareykanka.

Caqabadaha Hor Taagan Isbaahaysiga

  • Hoggaanka: Isku day hore oo ay Masar hormuud ka ahayd ayaa fashilmay ka dib markii lagu heshiis waayay cidda hoggaaminaysa isbaahaysiga.

  • Khilaafaadka Gudaha: Dalalka qorshahan ku jira ayaa mararka qaarkood isku khilaafsan arrimaha ka socda dalalka Yemen iyo Liibiya.

  • Saameynta Mareykanka: In kasta oo isbaahaysigani uu Mareykanka ka yarayn karo culeyska milatari ee gobolka, haddana Washington waxay ka walaacsan tahay inay weydo saameynta ay ku leedahay Bariga Dhexe.

Mohamed-Amin Siyad Abdi.

Category