Boosaaso (RH)-Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay qof kalena waa uu ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari.
Dadka dhintay waxaa ku jira askari ka tirsan ciidamada ammaanka, sida ay goob-joogayaal sheegayaan.
Taliyaha ciidamada ammaanka Boosaaso, ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay weerar ay soo qaadeen koox hubeysan oo ka tirsan Daacish.
Taliyaha ayaa sidoo kale, kooxda weerarka soo qaaday ay ahaayeen labo qof mid la dilay mid kalena la qabtay.
Waa markii ugu horreysay oo koox ka tirsan Daacish lagu qabto magaalada Boosaaso iyagoo soo weeraray ciidamada ammaanka.
Weerarka kaddib, ciidamada ammaanka ayaa howgallo ka sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia