RH: Wasiirka difaaca ee dalka jabaan Taro Kono ayaa yidhi waxaanu qorsheynaynaa in aanu ciidankayaga kala soo baxno dalka ku yaal bariga afrika ee Djibuuti maadaama oo uu ku dhex fidayo caabuqa Corona COVID-19 .
Waxaa halkaas inaga jooga ilaa 170 ciidanka sirdoonka ah oo loogu talagaley in ay la socdaan hawlaha bariga dhexe waxaaney kala degan yihiin laba xarumood oo lakala yidhaahdo P-3C Orion maritime patrol aircraft (MPA)
“Jabuuti aadbuu ugu fidayaa coronavirus waxaananu sameyay qoshayaal aanu ku dhawrayno caafimaadka ciidamadeena iyo shaqaaalaheena waxaananu diyaariney Plan A ilaa Plan Z" ayuu hadalkiisa kusii darey wasiir Taro Kono
135 qof ayaa lagu sheegay in ay mareyso tirada dadka uu soo gaadhey Covid-19 dalka Jabuuti.