Jiir bakhtiya oo lagu daadiyey maqaayada McDonalds ee Odensa

Baaldi jiirar ah ayaa lagu  soo tuuray albaabka weyn ee McDonalds  oo ku yaal waddada Risingvej ee Odense.

warkan oo aanu kasoo xiganey BT Waxuu muujinaysaa muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, kaas oo ay la socdaan qoraalka: "Boycott McD/Israel" iyo "Jiirar baa yaala  McD ee Vollsmose hortiisa".

Waxa ku xigay qoraalka calanka Falastiin iyo emoji calaamadda v. McDonald's ayaa xaqiijiyay dhacdadan, oo ka dhacday fiidnimadii Arbacada maqaayadda ku taal Risingvej ee Odense.

"Dhacdada waxa laga dacweeyey bilayska, sidaa awgeed waxba kama hadli karno," ayuu yidhi maamulaha isgaarsiinta MD Fannie Pramming.

Lama oga in uu noolaa iyo inkale dooliyadaasi. Ma ahan markii ugu horeysay oo McDonald's ay weeraraan dad u ololeeya Falastiiniyiinta. Maqaaxiyo dhowr ah oo ku yaal UK ayaa sidan oo kale soo gaaray ka dib dagaalka Israel iyo Gaza.

Category