Xoogagga dowladda liibiya ee ay Qaramada Midoobay taabacsan tahahay ayaa sheegay iney qabsadeen magaala xeebeedka Sirte ee ay gacanta ku hayeen maleeshiyada taabacsan Janaraal Khaliifa Xaftar.
Balse Ciidamadiisa ayaa sheegay iney dib u riixeen kuwa ka soo horjeeda. Inkastoo uu janaraal Xaftar taageero ka helo Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta ayaa haddana maalmihii dambe waxa ay ciidamada janaraalka la kulmayeen guul-darrooyin isdaba joog ah.
Ciidamnada dowladda Liibiya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Liibiya ka saaray xoogagga janaraalka awoddiisa sii wiiqmeyso.
Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.
Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.
Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.
Dagaalladaasi waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo waxaa xitaa la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada kaddib markii gantaallo awood badan lagu garaacay magaalada. Xitaa maleeshiyada taabacsan xaftar waxaa u suurogashay iney dhowr kilomitir gudaha u galaan magaalada xarunta u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.
Haatanse waxaa la sheegayaa in Xaftar ay xaaladda ku cakiran tahay iyadoona boqolaal ka tirsan calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ah ee ka garab dagaallamayay ciidamadiisa ay isaga baxeen aagga dagaalka ee koonfurta Tripoli, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay xooggaga dowladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay.
Waa kuma Xaftar?
Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeenbillooyinkii lasoo dhaafay.
Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.
Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.
Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxaana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.
Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.
Dib usoo noqoshada Haftar
Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.
Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya in ay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.
Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia.
Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed.
Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Liibiya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo ay ciidammadiisa ay ku sii siqayaan Caasimadda, wuxuu noqday janaraal indhaha caalamku ay eegayaan.
Howgalkii mabaadii'da.
Bishii May ee sannadkii 2014-kii wuxuu Haftar billaabay howlgal uu ugu magac daray Mabaadi'da Sharciga oo looga soo horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhigoodu ahaa Benghazi iyo Barigeeda.
Bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, Baarlamaanka ayaa la doortay, Golaha Wakiillada oo beddelay GNC ayaa u magacaabay taliyihii ciidanka Liibiya, balse sanad kadib oo horumar yar la sameeyay ayay weerrar ku qaadeen dagaalyahannada Islaamiyiinta ah oo ka soo duulay magaalada Benghazi.
Bishii Sebtembar 2016, Ciidanka Qaranka Liibiya waxay billaabeen howlgal lagu magacaaby "howlgalka ciribtirka", oo lagu badbaadinayo goobaha keydka shidaalka, iygoo garabsanaya Qaramada midoobay.
Goobaha muhiimka ah ee saldhigyada saliidda waxaa ka mid ah Zueitina, Brega, Ras Lanuf iyo Sidrah , kuwaasoo dhammaan hodan ku ah saliidda loo yaqaan 'Crecent Oil'.
Markaasi ka dib, Afhayeenka iyo Taliyaha ugu sarreeya ciidamada qalabka sida, Agilah Saleh, ayaa dalacsiyay Xaftar oo waxaa uu ka dhigay taliyaha guud ee dalkaasi.
Inkastoo Haftar uusan ku faraxsanayn siyaasadaha maamulka dalkaasi ka jira ayaa hadana waxaan caddeyn damaciisa gaarka ah ee siyaasadda dalkaasi.
isha warka . BBC