Kiiskii ugu horreeyay ee Corona Feyris oo laga helay Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Guddiga adeega bulshada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday xukuumadda federaalka Soomaaaliya in si kumeel gaar loo hakiyo qaadka ka imaanaya waddanka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan guddiga adeega bulshada baarlamaanka ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, waxaana xukuumadda federaalka ka codsadeen in la joojiyo qaadka ka imaanaya Kenya, si looga fogaado feyriska Corona.

Guddiga adeega bulshada baarlamaanka ayaa sheegay maadama Soomaaliya ay maalin kasta ka yimaadaan diyaarado qaad sidda oo ka yimaada Kenya, waxaana qaadkaas lagu soo qarin karaa feyriska maadama waraaqo iyo waxyaabo kale lagu soo duubo.

Kenya ayaa laga helay labo feyris oo Corona, waxaana xukuumadda Nairobi ay ku dhawaaqday in la mamnuucay in ay dalka yimaadaan dadka ajnebiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maraya baaritaan lagu sameenayo dadka ka soo daga garoonka diyaaradaha Muqdisho si looga hortago feyriska Corona

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kiiskii ugu horreeyay ee feyriska Corona laga helay dalka, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abuukar Nuur oo la hadashay warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegtay in afar qof oo ka yimid Shiinaha in mid ka mid ah laga helay feyriska Corona kaddib markii la baaray.

Sidoo kale, wasiirka duulista iyo hawada Maxamed Salaad Oomaar ayaa waraafinta dowladda u sheegay in muddo labo toddobaaad la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ee ka immaan jiray waddamada Turkey, Imaaraadka, Djibouti, Kenya, Qatar & Ethiopia, si looga fogaado feyriska Corona.

Illaa 27 waddan oo ku yaalla Afrika ayaa laga helay feyriska Corona oo hadda dilay ku dhawaad lix kun oo qof.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category