Kolding Storcenter: 2025 oo isbeddel weyn laga dareemay – dukaamo cusub, cuntooyin badan iyo ballaarin xooggan

Kolding, Denmark – Sanadkii 2025 waxaa isbeddello waaweyn laga diiwaangeliyey Kolding Storcenter, oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Jylland, halkaas oo ay ka dhaceen furitaanno cusub, dukaamo xirmay, kuwo kalena ay ballaariyeen adeeggooda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in storcenter-ka uu sanadkan si gaar ah diiradda u saaray kororka maqaayadaha iyo goobaha cuntada, iyadoo la furay meelo cusub oo ay ka mid yihiin Café de Flore, Mr. Döner, iyo Friends & Fries.

Sidoo kale, silsiladda elektaroonigga ee caanka ah Elgiganten ayaa storcenter-ka ka furtay xarun cusub, taas oo soo jiidatay dad aad u badan maalintii la furay. Dhinaca moodada, xarunta ayaa soo dhoweysay magacyo waaweyn oo ay ku jiraan Hugo Boss iyo Matinique.

Dhanka kale, dukaamo qaarkood ayaa xirmay, waxaana ka mid ahaa Paw Sko, oo storcenter-ka ku jiray tan iyo 1993, iyo sidoo kale Vila iyo Samsøe Samsøe.

Waxaa kale oo 2025 laga hirgeliyey dayactir ballaaran oo lagu sameeyay gudaha storcenter-ka, sida dabaqa oo dhan oo la beddelay, hagaajin lagu sameeyay hagista waddooyinka gudaha iyo dib-u-cusboonaysiin lagu sameeyay qayb ka mid ah baarkinka.

Sidoo kale, Kolding Storcenter wuxuu bilaabay Gnistpuljen, oo ah sanduuq taageero dhaqaale ah oo la siinayo ururrada bulshada, iyadoo sanad walba la bixin doono 5 jeer oo min 25,000 kr ah.

Ugu dambeyn, storcenter-ka ayaa xusay in maalin roob xooggan leh xagaagii 2025 ay dhacday booqashadii ugu badnayd ee taariikhda storcenter-ka, taas oo ka sarreysay xitaa maalmaha Black Friday.

cdff

 

Category