Koonfur Galbeed: 'Iyada oo nalaga badiyey ayaa dhibtaas naloo gaystay ee haddaan badin lahayn nalama arkeen'

RH: Fiidnimadii shalay ayay ahayd markii ciyaartoydii xulka Koonfur Galbeed sida ay sheegeen dhibaatooyin iyo dhaawacyo loogu geystay magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmihii u danbeeyey uu ka socday koobka kubbadda cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Markii ay dhammaatay ciyaartii u dhaxaysay xulalkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa ay ciyaartoydu sheegeen in jidka ay kula kulmeen dad fara badan oo dhagax iyo waxyaalo kale ku soo tuuraya, kuwaas oo dhaawacyo gaarsiiyay.

Ciyaartoyda qaar ka mid ah ayaa jabniin iyo dhaawacyo kale oo fudud ay soo gaadheen sida ay BBC-da u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciyaartoydii metelaysay maamulka Koonfur Galbeed.

“Wuxuu ahaa fal aad u xun”

“Shalay wixii dhacay waxa uu ahaa fal aad u xun oo ay noo geysteen taageerayaal, aniga waxa igu dhacay dhagax xilli aanan arkayn” ayuu BBC-da u sheegay Cismaan Bashiir Aadan oo ka mid ahaa ciyaartoydii metelaysay xulka Koonfur Galbeed.

“Muruqa garabka ayaa i kala go’ay, waanan miyir daboolmay markii wax igu dhaceen ba” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cismaan ayaa sheegay in ay xilligaas marayeen meel ka tirsan degmada Warta Nabadda, gaar ahaan meel u dhaw xaafadda Xamarbila.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa galabnimadii shalay ay guuldarro saddex gool iyo waxba ahi ka soo gaadhay xulka Galmudug.

Dhammaadkii ciyaartaas gaar ahaan xilligii ay ka soo baxeen garoonka ayaana ay la kulmeen weerarkan sida ay noo sheegeen.

“Annaga oo guuldarro la soo kulannay oo aan ka soo kabsan ayay masiibadan kalena nagu dhacday” ayuu yidhi Maxamed Aadan Ismaaciil difaaca dambeedka garabka bidix ee xulkaas.

Ciyaaryahan Maxamed Adan oo isna la hadlay ayaa sheegay in ay indhaha wax ka soo gaadheen.

“Wejiga gaar ahaan isha, qaybteed cad ayay wax iga gaadheen oo muraayidii iga sartay,” ayuu Maxamed u sheegay BBC da.

Ciyaartoyda Xulka Koonfur Galbeed ayaa sida oo kale sheegay in ay jiraan qaar kale oo iyana siyaabo kala duwan ay wax u gaadheen.

Waxaana ka mid ah kabtankii xulkaas oo addinka wax kaga dhaceen kaddib weerarkii shalay.

Dhanka kale tababaraha xulka Koonfur Galbeed Axmed Cabdiraxmaan Gidaamo, ayaa isna dhankiisa in waxa soo gaadhay isaga iyo ciyaartoydiisa ku tilmaamay wax laga xumaado.

Wuxuu ku dooday in haddii ay soo guulaysan lahaayeen galabkaas ay laga yaabo in dhibaatadu intaas uga sii badan leheed maadaama iyaga oo laga guulaystay haddana sidaas loo galay.

“Annaga oo na laga soo badiyey ayaa dhibaatadaasna ay noogu darsantay haddii aan badi lahayn waxaan aammin sannahay in qof reer Koonfur Galbeed oo nool uusan meesha ka soo bixi lahayn” ayuu yidhi tababare Gidaamo.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Fidhin oo ka hadlay dhacdadaan ayaa tilmaamay in aan illaa hadda la ogayn sababta ka danbaysa weerarka ciyaartoydan.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya  ayaa iyana cambaareeyey falkaas, iyaga oo sheegay in ay socoto baadhis lagu ogaanayo wixii dhacay, isla mar ahaantaana ciddii falkaa geysatay lala xisaabtami doono.

Maxaa qorshahoodu yahay Xulka Koonfur Galbeed kaddib weerarkaas?

Tababaraha xulka Koonfur Galbeed ayaa sida oo kale sheegay in aanay ka sii mid ahaan doonin tartankan “Marka loo eego dhibaatada dhacday in ay ka mid ahaannaa aad bay u culus tahay, kamana mid noqon doono inshallah,” ayuu sheegay tababare Gidaamo.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa ciyaaray saddex kulan kuwaas oo laba ka mid ah laga badiyey, halka illaa hadda uu weli hal kulan u hadhsan yahay.

Kulanka u hadhsan ayay ku soo aadi lahaayeen xulka Maamulka Hirshabeelle.

Isuduwaha Tartanka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo aan la xidhiidhnay bal sida ay u arkaan go’aanka Koonfur Galbeed ayaa  xaqiijiyey in aan weli war rasmi ka soo gaadhin masuuliyiinka maamulkaas.

“Koox hadday tartanka ka baxayso waxay maraysaa hab loogu tala galay, illaa haddana annagu wax farriin ah oo rasmi ah nagama soo gaarin masuuliyiinta maamulkaas” ayuu yidhi Isuduwe Jamaal Xaashi oo ku magacdheer Jamaal Jaamici.

Tartankan ayaa guud ahaan galay ciyaartii afraad, taas oo ka dhigan in kooxaha qaar sida Galmudug ay dhammaysteen afartii ciyarood ee ay xaqa u lahaayeen wareegga hore ee isreebreebka, iyaga oo haatanna ka mid ah labada kooxood ee illaa hadda baxay.

Xulka Koonfur Galbeed ayaana haysta rejo ay ku soo bixi karaan haddii ay badiyaan ama barbarro galaan kulanka u hadhay sida oo kalena laga badiyo xulka Jubbalanad sida uu qabo Maxamed Cumar Baakaay oo si dhaw ula socda isla sida oo kalena falanqeya ciyaaraha Soomaaliya.

Xidhiidhka Kubadda Cagta ayaa sida oo kale hakiyey muddo saddex maalmood ah tartankan, sababo la xidhiidha dhibta ay la kulmeen ciyaartoyda iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Maamula Koonfur Galbeed.

Hakintan ayaa noqonaysa markii labaad tan iyo intii tartankaasi bilawday.

Tartankaan ayaa baaqday labadii sano ee lasoo dhaafay, lama qaban 2018 iyo 2019, kaliya saddex jeer ayey dhacday in tartankaan la hirgaliyo waxaana ku guuleystay Puntland, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Laakiin sannadkan waxa ciyaaraya keliya afar maamul goboleed iyo gobolka Banaadir maadaama Maamulka Puntland uu qaaddacay gebi ahaan ba tartankan oo aanu ku jiran.

Xulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii 2020-kii ku guulaystay hanashada koobkan ka dib markii ay ka adkaadeen Maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay ciyaarta kama dambaysta ah ee koobkan yimid.

 

 

Category