Qoyska kaliya ee Soomaalida ah ee xanaaneeya carruurta ayaa dadka kale ee Soomaalida ah ugu baaqay iney iyagana kula soo biiraan barnaamijka korinta carruurta. Qoyskan ayaa ku nool magaalada Bristol ee dalka Britain.
Qoyska Buraale ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo qoysas badan oo Soomaali ah oo carruurta xanaaneeyo, sababtoo ah waa muhiim in la is waafajiyo dhaqanka caruurta iyo diintooda. Inta badan waxa dhacda in carruur Soomaali ah ay xanaaneeyaan qoys cadaan ah oo aan Muslimiin ahayn taas oo ay dhibaato dhanka dhaqanka iyo diinta ay kala kulmaan.
Magaalada Bristol waxaa ku nool Soomaali kor u dhaafeysa laba kun oo qof, waana qoymiyadda ugu badan ee ku nool meel ka baxsan London iyo Birmingham.
Golaha deegaanka ee Bristol ayaa sheegay iney doonayeen iney tirada dadka kordhiyaan si loo helo dhaqamo kala duwan.
Iyadoo la doonayo in canugga Muslimka ah la ogaado marka la geeyo xarumaha lagu xanaaneeyo ayay hadana suuragal ahayn in la ogaado tirada saxda ah ee caruurta Soomaalida sababtoo ah, dhaqanka iyo halka uu ka soo jeedo canugga lama diiwaan-geliyo.
Qoyska Buraale ayaa sagaalkii sannadood ee la dhaafay bar-baariyay carruur ka badan 10, iyagoo sidoo kalana barbaarinayay afar canug oo ay dhaleen.
Carruurta ay koriyeen waxay isugu jireen Somaali, Pakistaani iyo kuwa reer British ah.
"Shaqada iyo mas'uuliyadda"
Saciid Buraale oo ah 49 sano jir, ka hor inta uusan bilaabin xanaaneynta wuxuu carruurta ka shaqeeyay inuu taageero u fidiyo qoysaska barbaariya carruurta ee aan Muslimiinta ahayn isagoo ugu deeqayay cunooyin gaar ah oo xalaal ah . Waxa uu sidoo kale caruurta ka caawinayay ku dhaqanka diintooda.
Mr Burale ayaa sheegay: "Waxaan dareemay mas'uuliyad ah inaan aniga qudheyda noqdo waalid xanaaneeya caruurta.
"Waa shaqo adag balse waanu ku faraxsannahay inaanu sameyno''.
Afadiisa Zaynab Ismaaciil, ayaa sheegtay iney aaminsantahay iney muhiim tahay in marka ay qoysasku barbaarinayaan carruurta ay ku saleeyaan dhankooda si looga fogaado argagaxa iyo dhibaatooyinka ay sababaan kala duwanaashaha dhaqanka.
- Maxaa derbi jiif ka dhigay hooyadan iyo wiilkeedan Soomaalida ah?
- Raakhiya Ismaaciil "Dharka iyo koofideyda waxay qaadatay bilooyin in la diyaariyo"
- Waa kuma Soomaaligii taariikhda cajiibka ah ka dhigay Ingiriiska?
Fikirkooda ayaa la xaqiijiyay markiii gabdh 12 sano jir ah loo geeyay iyaga kaddib markii qoyskeeda uu bur-buray.
"Waxay inoo sheegtay gabadha in 25 qoys ay soo martay balse ugu dambeyn markii ay ku soo biirtay qoyskeena waxay dareentay sida iyadoo gurigeeda joogta, waxayna markasta ku taami jirtay iney hesho qoys Soomaali ah.''
"Marka aad ku nooshahay magaalo ay ku nool-yihiin bulsho kala duwan, qoys kasta iyo ilma kasta waxay leeyihiin caado iyo dhaqan soo jireen ah, kuwaas oo u baahan in la tixgeliyo."
"Marka qoyska loo geeyo canug iyaga ka duwan, waa iney dhaqankiisa ilaaliyaan si canugaas aysan niyadda dhaawac uga soo gaarin", ayay tiri Zaynab.
Cali oo aan dooneyn in la shaaciyo magiciisa saxda ah ayaa inoo sheegay inuu "aad u jeclaan jiray" qoys Soomaaliyeed markii ay korsadeen 13 jirkiisii qoys caddaan ah oo aysan isku diin ahayn."
Waxaa iga luntay jihada, sabatoo ah ma haysan qof aan ku daydo oo itusi kara dhaqankayga,'' ayuu yiri.
"Waanada ayay ahayd waxa ugu weyn ee aan u baahnaa, waxaan doonayay inaan helo qof fahmaya diinteyda iyo dhaqankayga."
"Qoyskii aan la noolaa waxay isiin jireen cunno aan xalaal ahayn, waxay igu khasbeen khamri, oo Islaamka mamnuucay, balse haddana waan cabi jiray oo danta ayaa igu khasbi jirtay."
Cali markii uu gaaray 18 sano jir waxa uu go'aansaday inuu dib u helo dhaqanka Soomaalida.
Shabakadda xanaaneynta carruurta oo la aasaaay 2017-kii ayaa horseedday iney sare u kacaan qoysaska Musimiinta ee caruurta xanaaneeya, waxaana haatan qiyaas ahaan carruurta Muslimiinta ah ee ku jira xarumaha xanaaneynta ee guud ahaan gobolka lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 7,000.
Golaha deegaanka ayaa sheegay iney sii wadi doonaan la shaqeynta bulshada Soomaalida ee ku nool Bristol si loo hormariyo xiriirka.
Saciid iyo Zaynab ayaa sheegay iney ka warqabaan iney jiraan fikrado khaldan oo ay buslshada Soomaalida ka aamisan yihiin iney noqdaan waalid xanaaneeya caruur aysan iyaga dhalin.
isha warkan. BBC