Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa maanta Aas Balaadhan loogu sameeyey Xabaalaha Xaraf Galbeedka Hargeysa Laba Sarkaal Oo ka Tirsanaa Ciidanka Dabdemiska somaliland Oo shalay ku Geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Bari ee magaalada Hargeysa.
Aaska Marxuumiintan ayaa Waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Horumarinta Biyaha, Wasiir xigeenka Qorshaynta Qaranka , Masuuliyiinta Dawlada Hoose Hargeysa iyo Gobolka Maroodijeex, Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland,Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo Saraakiil kala socotay Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo Dadweyne kale .
Labadan Sarkaal ee Geeriyooday ayaa kala ahaa
Marxuum Eng.Maxamed Cilmi Cali_Hogaan ku xigeenkii Isgaadhsiinta Ciidanka Dab-demiska somaliland
Marxuum Dr.Naasir Cumar Cabdi_Hogaan xigeenkii Caafimaadka Ciidanka Dab-demiska somaliland
Masuuliyiintii iyo Bulshadii kala Duwanayd ee ka qaybgalay Aaska ayaa Marxuumiintaa Allah uga baryay in Jannooyinkiisii ugu deeqo, dhammaan Ehelkii, Asxaabtii, Qaraabadii, Qoyskii, Ciidamada Qaranka gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeenba Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay ka siiyo.