Ma kacdoon shacab ayaa markale ka curtay dalalka Carabta?

Qaar ka mid ah dalalka bariga dhexe waxaa markale ka soo cusboonaaday kacdoon looga soo horjeedo dowlado ay dadka u arkaan in ay ku fashilmeen howshii loo igmaday.

Dalka Ciraaq oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye waxaa ka socdo dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, waxaana ku dhintay dad ka badan boqol qof. Si la mid ah, dalka Lubnaan dibadbaxayaasha ayaa hakad geliyay hawlihii dalkaas, waxayna taas keentay in uu iscasilo ra'iisul wasaarihii dalka Lubnaan, Sacad Al-Xariri oo maalin kahor ku dhawaaqay in uu iscasilayo.

Dhowr toddobaad kahor, dalka Masar waxaa ka socday dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda uu hogaamiyo Cabdulfataax Al Sisi. Booliska dalkaas ayaa xoog ku kala eryay dadkii bannaabaxayay.

Dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Masar waxay ku kala duwan yihiin arrimo dhowr ah, balse shacabka dalalkaas, gaar ahaan da'yarta waxay ka siman yihiin walaac ay qabaan oo ah in aysan ku qanacaneyn qaabka ay wax u wadaan madaxdooda.

Qiyaas aan la hubin ayaa tilmameysa in boqolkiiba 60 dadka ku nool bariga dhexe ay yihiin dhalinayaro ay da'dooda ka hooseyso 30 sano. Da'yarta waxaa la sheegay in ay yihiin hantida dal walba, balse waa haddii uu dhaqaalaha wanaagsan yahay, waxbarashada iyo heykalka dowladnimana uu yahay mid sidii la rabay u shaqeynaya, si wax looga qabto baahiyaha dadkaas oo ah kuw ugu saameynta badan bulsha walba, hasayeeshe dalalkaas ku yaala dunida carbeed waxaa muuqata in taas aysan mid sidii la rabay u qabsoontay.

Da'yarta dalalka Lubnaan, Ciraaq, Masar iyo guud ahaan dalalka carabta waa kuwa la daala dhacaya dhibaatooyinka heysto, keentayna in ay ka caroodaan maamulada ka jira dalalkaas.

Musuqmaasuqa baahay

Laba kamid ah cabashooyinka dadkaas ayaa ah musuqmaasuq iyo shaqo la'aan baahsan oo heysata dadka, taas oo midba midka kale kuu dhiibaya.

Dalka Ciraaq waxaa uu ka mid yahay mid ka mid dalalka ugu musuqmasuqa badan caalamka, sida laga soo xigtay hay'ad wax ka qorta musuqa caalamka, halka dalka Lubnan na uusna waxba dhamin.

Musuqa waa cudurka kansarka oo kale, kaas oo hantira hididiilada dhibanayaasha.

Isla dhibanayaashaas ayaa ah kuwa ka carooda dhibaatooyinka ka dhasha musuqa, oo ay kamid yihiin aqoonyahan aan shaqo heysanin iyo nidaamka dowladnimo oo iska noqdo mid dano gaar ah lagu sameeyo.

Marka hay'daha dowladda, sida maxkamadaha, booliska ay qeyb ka noqdaan musuqmaasuqa, waxay caddeyn u tahay in nidaamkii uu fashilmay.

Shacabka dalalka Lubnan iyo Ciraaq ma doonayan in dowladda ay iscasih, bals esidoo kale waxaa ay doonayan in damaan dadka katirsan maamulkaas meesha baneeyaan, oo dib u habeyn lagu sameeyo.

Adeegsiga rasaasta nolnool

Waxyaabaha musiibada ah ee lagu arkay dibadbaxyada dalka Ciraaq ay cadi ka noqotay qalalaasaha, oo marka dadka ka dibadbaxaya shaqo la'anta, musuqmaasuqa dwoladda ay batan wadooyinka, wakhti kuma aysan qaadanin inloo adeegsado rasaasr nolnool.

Dadka ku dibadbaxay dalka Ciraaq ayaa la sheegaa in aysan ahayn dad nidaamsan, balse marba mark aka dambeysa oo ay sii kordheyso carada, waxaa muuqata in ay midoobi doonaan.

Rabshadaha dalka Ciraaq ayaa ku magaalooyin waa weyn oo ay kamid tahay caasimadda Baqdaad iyo Karbala, halka soo laga soo sheegayo in lagu dilay dad badan, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Barasha bulshada ayaa waxaa la soo dhigay muqaalo muujinaya dadka oo ka cararay rasaas nolnool oo lagu soo riday. Waxaa kale oo jira wararka kale oo sheegaya in rag xiran dhar madow, wajigana dabooshay ay rasaas meel fog kaga soo ridayan dadka dibadbaxaya, waxaana jirta aragti dadka qaar ay aaminsan yihiin oo ah in ay yihiin maleeshiyad taabacsan dowladda Iran.

Dibadbaxyada dalka Lubnan ayaa bilawday 17 Oktoobar, kadib markii dowladda ay canshuur kusoo rogtay tubaakada, batroolka iyo wicitaanka whatsapka, inkastoo markii dambe dowladda ay meesha ka saartay.

Waxaa wali muuqata in waxyaabihii ay ka cabanayeen dadka sanakdii 2011-ka xiligaas oo uu kacdoon ballaaran ka dhacay dalalka Carabta ay wali taagan yihiin.

source BBC

Category