Djibouti (RH)-Magaalada Jabuuti, ee caasimadda waddanka Jabuuti, waxaa maanta oo Arbaco ah lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo socday muddo shan cisho, kaasoo uu soo qaban qaabiyay machadka daraasaadka siyasaadda Soomaliya ee Heritage, ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo soo xiray madashii ka socotay Jabuuti ee uu ayaa sheegay in dowladiisa ay muddo saddex sanno martigalisay shirkan oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 200 oo qof.
Hal kudhigga sannadka ee shirka aya ahaa kaalinta Soomaalida ay ka qaadan karto nabadeenta Geeska Afrika.
Agaasimaha machadka Heritage, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii ka soo qaybgalay shsirka, isagoo xusay in shsirka ay ka soo qaybgaleen haldoorkii iyo aqoonyahankii Soomaalida kuwaasoo laga kala keenay Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo didbadda.
Dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya wasiirada arrimaha dibadda, maaaliyadda, dastuurka iyo waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa shirka ku sugnaa wasiiro, khubaro iyo siyaasiyiin ka socda Somaliland iyo dowladda Jabuuti, waxaa markii ugu horreysay ka qaybgalay madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar.
Radio Hormuud
Studio 3
Djibouti