Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya

Garowe (RH)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in aysan ku taagneen sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.
Deni ayaa hadalka ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamaanka Puntland.

''Waxa ka socda wadatashiga qaran ma ahan wax ummadda Soomaaliyeed dan u ah, Puntland meel danta Soomaaliyeed lagu hayo kama tagayso kamana tegi doonto, laakin waxaa noo baxay golaha wadatashiga qaran hadda jira sida uu dhigan yahay inuu nuxurkii beelay, Puntland waxa ay garab istaagi doontaa cid kasta oo sharciga iyo dastuurka ku taagnaato'' Ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu garab istaagayo maamulka Jubbaland, oo go'aansatay in ay doorashadeeda sida sharcigeeda u qabto, waxa uu ugu baaqay guddiga doorashooyinka Jubbaland in ay qabtaan doorashooyin.

Madaxweynaha Puntaland ayaa sheegay in madaxda maamul gobolleedyada in ay masuul ka tahay dastuurka iyo sharciga u yaalla, dowladda federaalka ay xaq u leedahay in ay la socoto hirgalinta sharcigaas.

''Dowladda federaalka ma lahan awood uma lamahan oo sharci uma siinayso in ay qabato doorasho ama baajiso doorashooyinka maamullada''ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay shidaal baarista ka billaabanaysa Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu soo dhaweenayo kheyraadka laga faa'ideysto laakin waxa uu ka digay inuu colaad u horseedo Soomaaliya.

Kulanka maanta waxa kale oo joogay qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ku matala dowladda federaalka.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo dowladda federaalka ayaa soo jiitamayay tan iyo markii dib loo doortey madaxweyne Xasan Sheekh bishii May sannadkii 2022-kii.

Khilaafka Deni iyo Xasan Sheekh ayaa dad badan u arka inuu ku saleysan yahay arrimo siyaasadeed, walow madaxweynaha Puntland uu sheego in dowladda uu khilaafsan yahay arrimaha hadda taagan.

Radio Hormuud

Studio 3

Nayrabi-Kenya

Category