Madaxweyne Biixi oo askari dalacsiiyey

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle  oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Bixin Derajo

 

 

Markaan Arkay:                         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

 

Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;

 

Markaan Ku Qancay:                 In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto         milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;  

 

Markaan Tixgaliyey:                  Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo

                                                            Daacadnimadiisa;

 

                                                               

Waxaan Go’aansaday;

In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.

           

 

 

Category