Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Saciid Deni uu raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isla markaana ay ololihiisa ku muujisay hawl-galka Calmiskaad.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo warkan xaqiijiyay ayaa olole ahaan u adeegsaday hawl-galka Calmiskaad ee ciidamada, isagoo isbarbar dhig ku sameeyay Madaxweynihii ugu horreeyay Puntland, Korneyl Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Saciid Deni.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Deni si rasmi ah ugu tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isagoo ku adkeeyay: “Xilligan ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo waxqabadkiisa la hubo, marka laga reebo Saciid Deni. Sidaas darteed, Soomaali maanta Deni bay u baahan tahay.”
Doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacay bishii May 2022, Deni wuxuu ahaa mid ka mid ah musharrixiinta ugu saameynta badan. Wuxuu gaaray wareegii saddexaad ee doorashada, isagoo ka mid noqday saddexda musharrax ee ugu dambeeyay, isaga oo ay wehliyeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Inkasta oo Deni uu taageero ballaaran ka helay xildhibaanno badan iyo saameyn weyn ku lahaa saaxadda siyaasadda, haddana wuxuu ku haray wareeggii ugu dambeeyay. Doorashadaas waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xasan Sheekh, oo noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliya dib loogu doorto.
Xigasho: Caasimadda