Maxaa ka jira tirada dadka ku nool Jabuuti in ay korortay?

Jabuuti (RH)-Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ku nool dalkaasi.

Xafiska Tirakoobka Jabuuti ee (INSTAD) ayaa soo bandhigay natiijada Tirakoobkii Saddexaad ee Dadweynaha iyo Guriyeynta dalka Jabuuti, kaas oo Muujinaya in dadka reer Jabuuti ay kor u dhaafeen 1 milyan oo qof.

Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobkan Ibrahim Cabdi Xaddi oo BBC la hadlay ayaa sheegay in si aad ah ay u sugayeen in tirada dadka reer Jabuuti ay gaarto 1 milyan oo qof.

"Muddo badan ayaan sugeynay inaan tiradaasi ay dadka is waydiinayeen taasi oo ah hal milyan lama gaaray mise wali nooma dhana, ayuu yir Mr Xaddi".

Tirada dadka ku nool dalkaasi ayaa imika ka talawday oo hal milyan oo qof kor u dhaaftay sida ay sheegtay dowladda Jabuuti.

"Maanta waxaan u sheegaynaa dadwaynaha Jabuuti dhammaan inaan hal milyan lix iyo lixdan kun sideed boqol iyo sagaal qof(1.066,809) aan nahay Jabuuti" ayuu yiri.

Sida ku cad tirakoobka tirada dumarka ayaa ka badan ragga ku nool dalka Jabuuti.

"Booqlkiiba 50.3 waa dumar halka tirada ragga ay tahay boqolkiiba 49.7 waa rag,"ayuu yiri Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobkan Ibrahim Cabdi Xaddi.

In ka badan 70% tirada dadka Jabuuti waxay ku nool yihiin caasimada taasi oo ay dowladda Jabuuti u sabababeysay in dad badan ay ka soo guureen gobollada oo ay caasimadda u soo wareegeen.

"Waxaa dhacay wax la yiraahdo muhaajirid gudaha ah marka dadka gobollada ayay ka soo guurayaan oo caasimadda ayey u soo guureen, marka saa daraadeed ayay caasimaddu maanta tahay tiro gaaraysa 72.8%." guud ahaan shacabka jabuuti" ayuu yiri Mr Xaddi.

Xaafadda Balbala ayaa sida ku cad tirakoobka ah xaafadda dadka ugu badan ay ku nool yihiin caasmadda Jabuuti.

"Xaafadda Balbala waxaa ku nool boqolkiiba 56 ilaa 57 markaa in ka badan 600,000 ayaa ku nool xaafadda Balbala, ayuu yiri Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobkan Ibrahim Cabdi Xaddi".

Waxaa xusid mudan in ay jiraan gobollo dalkaasi ka tirsan oo tirada dadka ku nool ay hoos u dhacday halka gobolka Carta uu koboc badan uu ka jiro.

Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobkan Ibrahim Cabdi Xaddi ayaa sabab uga dhigay sare u kaca Carta in horumar dhanka dhismaha uu jiro isla markaana ay caasimadda ay aad ugu dhawdahay.

"Gobolka Carta oo aad u kobcay waxaa taasi ay keentay in dhismo badan iyo dhawaashiyaha ay u dhawdahay caasimadda inay dhismo badan galeen," ayuu yiri Mr Xaddi.

Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka dhul ahaan ugu baaxadda yar qaaradda Afrika.

Sidoo kale dalka Jabuuti waa dalka ugu yar baaxad ahaan bariga Afrika oo waxaa uu ku fadhiyaa bed dhan 23,200 sq km .

Kobaca tirada dadka qaaradda Afrika

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dadka Afrika ay laban-laabmi doonaan ilaa 2.5 bilyan marka la gaaro 2050.

Ilaa 400 milyan oo ka mid ah dadkan ayaa ku noolaan doona Nigeria oo keliya.

In ka yar 80 sano, mid ka mid ah labadii ilmood ee dunida ku dhasha ayaa noqon doona Afrikaan.

Warka wanaagsan ayaa ah in saamiga kordhay ee shakhsiyaadka da'da shaqadu ay faa'iido u leedahay dhaqaalaha dalalka Afrika iyo kuwa ka baxsan. Laakiin dhinaca kale, tirada badan ee dadka da'da yar waxay ka dhigan tahay culays dhaqaale oo weyn oo saaran dawladaha, iyo sidoo kale khataro bulsho iyo mid amni.

Tusaale ahaan waddamada ka hooseeya saxaaraha Ilaa 12 milyan oo qof ayaa soo galaya suuqa shaqada sanad walba, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

Xigasho: BBC

Category