Muqdisho (RH)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ay baxsadeen.
Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, lagana soo qabtay meel u dhow xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho balse weli ay maqan yihiin labada kale.
Maxaabiista ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, horreyna loogu riday xukunno.
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa ku yaalla meel aad loo wardiyeeyo, waxaana uu dacalka ku hayaa badweynta hindiya.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia