Dad ay tiradooda gaarayso 190,000 oo qof ayaa Afrika ugu dhiman kara cudurka saf-marka ee Corona sanadka ugu horeeya haddii aan la qaadin tallaabooyiin lagu xakameynayo cudurka, waxa sidaasi ka dhigta hay'adda caafimaadka ee (WHO).
Cilmi-baaridda cusub ayaa sidoo kale saadalinaysa in cudurka Covid-19 uu sii daba dheeraan karo islamarkana uu sanooyiin badan qaadan karo.
"Waxaa laga yaabaa in uu ku sii faafo goobaha xudunta u ah," waxaa sidaasi sheegtay madaxa WHO ee Afrika Matshidiso Moeti.
Waxyaabaha kale ee ay cilmi-baarista tixgalisay waxaa ka mid ah jiilka da'a yarta oo horey uga " faa'ideystay khibrad ay ak dhaxleen xakameynta cudurada faafa sida HIV iyo Qaaxada ", .
Digniinta hay'adda WHO ayaa ku soo beegmaysa xilli dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ee, Nigeria, iyo dalalka kale ee sida Koonfur Afrika iyo Ivory Coast, ay billaabeen dabcinta tallaabooyiinka xayiraadaha la soo rogay ee cudurka lagau xakameynayo.
Maxaa lagu sheegay Daraasadda ?
Daraasadan ayaa lagu ogaada in inta u dhaxeysa 29 milyan ilaa 44 milyan oo qof uu cudurka Corona ku dhaci karo qaarada Afrika sanadka ugu horeeya.
Inta u dhaxeysa 83,000 ilaa 190,000 ayaa isla waqtigaasi cudurka ugu dhiman kara qaaradda.
Waxaa saadaashan laga sameeyay oo diiradda lagu saaray 47 dal.
Guud ahaan qaaradda Afrika ilaa iyo imika waxaa cudurka Corona ugu dhintay in ka badan 2000 oo qof sida ay diiwaangalisay xarunta Afrika ee xakameynta cudurada.
Guud ahaan dalalka qaarada Afrika ayuu cudurka gaaray marka laga reebo dalka Lesotho.
Dalalka Afrika ee sameeyay baaritaanada ugu badan ?
Qaar ka mid ah dalalka ugu baaxadda yar Afrika ayaa waxa ay horumar wayn ka gaareen heerarka baaritaanka iyagoo qaaday wax ka badan dalalka waa weyn ee ay dariska yihiin.
Mauritius iyo Jabuuti, tusaale ahaan, waxa ay heer sare ka gaareen baaritaanka.
Ghana ayaa sidoo kale lagu amaanay heerka baaritaanka, kaas oo xukuumaddu ay sheegtay inuu gacan ka gaysanayo in la xakameeyo faafitaanka fayraska markii xayiraadaha la qaado.
Koonfur Afrika ayaa sidoo kale qaadday talaabooyin adag oo ah istaraatiijiyad lagu baarayo cudurka, waxaana ilaa hadda u suuragashay inay qaado in ka badan 200,000 oo baaritaan. Tiradaasi waxa ay wax badan ka yar tahay baaritaannada ay sameeyeen dalalka Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga iyo Jarmalka.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, dalalkaasi ayaa waxa ay wax badan ka horreeyaan dalal badan oo ay ku jiraan UK iyo Mareykanka kuwaas oo ay baaritaannadoodu ay gaabis ahaayeen.
Waxaa jira walaac ah in dalka Nigeria ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, uusan sameyn baaritaanno ku filan, walow dowladdu ay ku adkaysanayso inay diiradda saarayso xaaladaha la ogaaday ee cudurka.
Weriyaha BBCda uga soo warrama waddanka Nigeria Chi Chi Izundu ayaa waxa uu sheegayaa in mas'uuliyiintu ay kordhinayaan baaritaanka.
"Ujeedku waxa uu yahay in maalintiiba la baaro 5,000 oo qof - hasayeeshee lama baaro xitaa 1,000 qof."
Waxaa muhiim ah in la xuso inay jiraan dalal badan oo ku yaal qaaradan kuwaas oo aanan la heli karin xogtooda baaritaanka, sida dalalka Eritrea iyo Aljeeriya.
Qaarkood maba lahan awoodda baaritaanka, halka ay jiraan kuwo sababo jira awgeed aanan xogta ku bixinayn.
Tusaale ahaan, Madaxweynaha Tanzania, Magufuli, ayaa sheegay in xogta oo la shaaciyo ay cabsi abuurayso.
Dalkiisa ayaa waxa uu bixiyaa xog aan israacraacayn, oo mararka qaarkoodna wax ay shaaciyaan uun tirada dadka xanuunkaasi ka bogsootay.
isha warka . BBC