Maxay tahay Tignoolajiyadda cusub ee dumarka ka caawinaysa xanuunka caadada?

London (RH)- Markii ugu horeysay ee Paula Fischer ay akhrisay wax ku saabsan waxyaalaha lagama maarmaanka ah ee la xidhan karo, kuwaas oo ka caawinaya in ay yareeyaan xanuunka caadada, 33-jirkan ayaa sheegtay inay markaas "aad ugu faraxsanayd tijaabadan cusub ee ay gelayso".

Sida haween badan, ay dareemaan muddadaas waxay la kulmaan raaxo-darro aad u daran inta lagu jiro xilliga caadada, waxayna rajaynaysay inay hesho xal kale oo xanuun baabi'iye ah, kaas oo sida ay sheegtay caawiyay kaliya dhowr saacadood.

Paula, oo ku nool Budapest, Hungary, ayaa tidhi: "Inta badan waxaa igu dhaca xanuun daran inta lagu guda jiro xilliga caadada, taas oo keentay in aanan ka kici karin sariirta si aan u qabto shaqadaydii maalinlaha ahayd". "Tani waxay saamaysay wax walba – hadday tahay niyad, dhiirrigelin, awoodd iyo hadday tahay wax qabad."

Iyada oo xaalkaas ku sugan laba sano ka hor, waxay ku aragtay ogeysiis baraha bulshada ah kaas oo ka yimid urur Hungarian oo la yidhaahdo Alpha Femtech, oo waydiisanaysa tabaruceyaal si ay uga caawiyaan baadhitaanka iyo horumarinta tijaabada dhar cusub oo ujeedadiisu tahay in lagu yareeyo xanuunka caadada.

Dharkan gaarka ah ee ka soo baxay tijaabadaas, oo loo yaqaan Artemis
XIGASHADA SAWIRKA,MARTON MARTOS
Codsadayaashu waxay ahayd inay dhamaystiraan sahan ku saabsan xaalka ay marto caadadu, ka dibna dhakhtar ku takhasusay caafimaadka haweenka ayaa dadkii soo codsaday ka xulatay kuwii ku habboonaa barnaamijkan. Paula waxa ay ka mid ahayd kuwa la doortay.

Dharkan gaarka ah ee ka soo baxay tijaabadaas, oo loo yaqaan Artemis, ayaa diyaar u noqon doona in laga iibsado gudaha UK iyo Midowga Yurub markii ugu horeysay dabayaaqada sanadkan.

Si aad awood ugu yeelato labiskan gaarka ah ee loogu talagalay haweenka, isticmaaluhu wuxuu xidhanayaa dhar ay ku dhex jiraan qalab tignoolajiyadeed oo qofka u ogolaanaya in moobilka uu kala socda marba halka wax marayaan, qalabka dharka ku xidhan ayaana leh Bluetooth ku xidhamaya app qofka ugu jira moobilka.

Paula waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay ay xidhatay dharka jidhka inta lagu jiro tijaabada caadadeeda ay ahayd "khibrad gabi ahaanba ka duwan wixii hore", iyada oo aan wax xanuun ah dareemin. Waxay ku dartay in alaabta loogu talagalay jidhka, oo ka samaysan isku dhafka dhogorta merino iyo fiilooyin macmal ah ay "raaxo badan tahay ... sida oo kalena fiicantahay in la xidho". 

Saamaynta kaliya ee ay sheegtay in ay leedahay ayaa ah in caadadu ay ka culus tahay sidii caadiga ahayd. "Waxaan u malaynayaa inay sabab u tahay saamaynta nasinta muruqa."

Xigasho: BBC

Category