Maxkamad ku taalla Boosaaso oo la soo teegay rag lagu eedeeyay kicin dadweyne

Boosaaso (RH)-Maxkamad ku taalla magaalada Boosaaso ayaa maanta oo Arbaca ah la horkeenay Odayaal iyo Siyaasiyin lagu eedeeyay in ay wadeen kicin dadweyne.

Maxkamadda darajada kowaad ee gobalka Bari ayaa raggan ku eedeesay in ay dhaliilayeen howlaha uu Imaaraadka ka wado deegaannada Maamulka Puntland.

Ragga siyaasiyiinta la soo teegay maxkamadda oo ka koobnaa afar oday iyo siyaasi Muuse Cali Jaamac waxaana ay xirnaayeen muddo bil ah

Kiiska raggan ayaa maxkamadda maanta ay dib u dhigtay, waxaana maxkamadda dib la isugu soo laaban doonaa maalinta Axadda ee soo socota.

Qareenada u doodaya odayaasha iyo siyaasiga ayaa sheegay in aysan wadin arrimo kicin iyo abaabul ka dhan ah Puntland, iyadoo sharciga Puntland uu oggolaanayo in ay dadku soo bandhigaan waxa ay aragtidooda tahay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category