Midowga Yurub ayaa qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 24.June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan.
“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wada-halka,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Europe.
Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ay labaduba ka go’an tahay sidoo ay uga wada shaqeyn lahaayeen hannaanka Nabadda iyo horumarinta.
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo iyo nabad waarto ay tahay sidoo wadida wadahalada labada dhinac iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhibaato u keeni karo wadahadalka.
Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa sheegay inay goobjoog ka ahaan doonaan wadahaladaas isla markaasna ay diyaar la yihiin bixinta taageerada iyo dadaalka lagu gaadhi karo nabad iyo barwaaqo ka hana qaada geeska Afrika