RH: Alle ha u naxariistee waxaa xaley salaadii cishaa kadib lagu toogtey laguna dilay magaalada Odensa Cabdirnuur ahaa soomaali da'diisa lagu sheegay 31 jir
Xilliga la toogtey oo aheyd salaadii cishaa kadib ayaa waxa uu dilkiisu ka dhacey meel u dhaw masaajidka xaafada Vollesmose -Odansa , waxaana la sheegay in uu xilligaas masaajidka kasoo baxay oo uu gaadhigiisa ku jiray sida ay noo sheegay qof degan isla xaafadaas.
Dhacdadan waxa kale oo ku dhaawacmey ninkale oo isagu aan ahayn Soomaali balse lagu sheegay Carab oo isagana xaaladiisu liidato.
Boosliiska ayaa baadhitaan xoogleh ka wada xaafada , waxaana warar aanaan xaqiijinkarini noo sheegeen in loo qabqabtay dhacdadan dhawr qof.
waxa iyaduna xusmudan in dhacdo kale oo hub la isu adeegsadey ka dhacdey isla xaafadan 18.Jun.20 kadibna uu booliissku xaafada ka bilaabey in ay baadhaan qofkasta oo ay ka shakiyaan.
Wixii kasoo kordha kala soco Radio Hormuud.