Puntland oo ku dhawaaqday xilliga la toogan doono raggii kufsaday dilayna Caasha Ilyaas

Garoow (RH)-Xeer ilaaliyaha guud Puntland, Maxamuud Xasan Aw- Cismaan ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay xilliga la toogan doono raggii kufsaday dabadeedna dilay Caa'isha Ilyaas.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in raggan la toogan doono 11-ka bisha labaad ee febraayo ee sannadkan.

Ragga loo heesto kufsiga iyo dilka Caa'isha Ilyaas Aadan ayaa tiradooda waxa ay gaarayaan saddex, waxaana horrey go'aan uga soo saaray maxkamadaha Puntland.

Dacwadda raggan ayaa muddo soo socotay, waxaana dab badan ay sugayeen xilliga si rasmi ah loo shaacin doono.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii bishii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category